Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni & xildhibaanada ku sugan Kismaayo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Kullan is xogwareysi ah la qaatay Xildhibaannada Labada…

21 December, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Kullan is xogwareysi ah la qaatay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda ku sugan Kismaayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland , Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Faroole, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil katirsan madaxtooyada dowladda Puntland.

Ilo wareedyo katirsan Villa Puntland ayaa u xaqiijiyey HM in madaxweynaha Puntland iyo xildhibaanadu ka wada hadleen xaaladda dalka, go’aamada barlamaanka ee ku aaddan xilliga kala guurka iyo sidii looga hortegi lahaa qorshe kasta oo muddo kordhin la xiriira.

Xubnaha labada aqal ee ku sugan Kismaayo ayaa u badan mucaarad ka soo jeeda Puntlad, Jubbaland iyo qaar kamid ah maamulada kale ee dalka.