Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Lafta-gareen & shacabka Diinsoor.

27 December, 2025

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan…

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Kulankan ayaa Madaxweynaha diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta horumarka, adkeynta nabadda iyo wada-noolashaha bulshada, isagoo carrabka ku adkeeyey in horumar waara uu ku imaan karo oo keliya marka la helo nabad, is-ixtiraam iyo iskaashi buuxa oo u dhexeeya bulshada iyo hay’adaha dowliga ah.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale ku bogaadiyey shacabka Diinsoor doorkooda ku aaddan ilaalinta amniga, nabadgelyada iyo taageerada ay la garab taagan yihiin hay’adaha amniga, wuxuuna ugu baaqay in la sii laba jibaaro dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo wada-jirnaanta bulshada.