Maxay Madaxda Puntland ka yiraahdeen xuska 26-ka June oo Somalia looga dabbaal-degey.

26 June, 2026

Madaxda ugu sarraysa Dowladda Puntland yaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun, oo…

Madaxda ugu sarraysa Dowladda Puntland yaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun, oo ku beegan sannad-guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay xorriyaddii Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Hoggaanka Puntland ayaa tilmaamay in maalintani tahay astaan qaran oo xambaarsan halgan, geesinimo iyo himilo ay shacabka Soomaaliyeed u mideysnaayeen, iyagoo xusay in 26-kii Juun 1960 uu ahaa maalin taariikhi ah oo calanka Soomaaliyeed si xor ah looga taagay Gobollada Waqooyi, taasoo ahayd tallaabo muhiim u noqotay dadaalkii lagu hiigsanayay midnimada iyo madax-bannaanida guud ee dalka.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xiegenka Puntland oo diray hambalyada ayaa waxa ay ku boorriyeen shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan qiimaha xorriyadda iyo wadajirka ummadda.

Ugu dambayntiina, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland waxay shacabka Soomaaliyeed u rajeeyeen inay munaasabaddan ku gaaraan nabad, barwaaqo iyo horumar, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo iskaashiga si loo xaqiijiyo mustaqbal ifaya oo ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed.