Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa War kasoo saartay kiiska dacwadii Badda ee u dhexeeysay dowladdaha…

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa War kasoo saartay kiiska dacwadii Badda ee u dhexeeysay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo horey loo dhageystay, lana sugayo Go’aanka Maxkamadda kasoo bixi doona.
Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ICJ ee ku taalla Magaalada Hague ee dalka Holland ayaa waxaa lagu shaaciyay in Go’aanka la wada sugayo ee dacwadda Badda ay ku dhawaaqeyso 12-ka bisha soo socota ee Octoober saacada markii ay tahay 03:00 PM.
Garsoorayaasha Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ iyo wafdi ka kala socda Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka qeyb galaya fadhiga Maxkamadda ee lagu shaacinayo Go’aanka ka dambeysta ee kiiska badda oo muddo sannado ah soo jiitamayay.
Hoos ka akhriso:

Horseed Media