Maxkamada Darajada koowaad Gaalkacyo Beri qaaday Garmaqalka kiiska Saabiriin.

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqday in garmaqalka kiiska marxuumad Saabiriin Saylaan uu…

19 November, 2025

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqday in garmaqalka kiiska marxuumad Saabiriin Saylaan uu si rasmi ah uga furmayo magaalada Gaalkacyo maalinta Khamiista, 20-ka November 2025. Go’aankan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dedejinta hanaanka caddaaladda.

Kiiskan oo si weyn uga argagaxiyey bulshada magaalada Gaalkacyo ayaa weli xiisad xooggan ka abuuraya bulshada, maadaama dilka Saabiriin uu ka dhacay isla magaalada gudaheeda. Qoyska marxuumadda iyo shacabka ayaa muddo dheer dalbanayey in cadaaladda la horkeeno dadka loo heysto.

Eedeysanayaasha loo qabtay kiiskan ayaa la filayaa in maxkamaddu horgeeyo maalinta garmaqalka, si ay u bilowdaan dhegeysiga caddeymaha iyo doodaha labada dhinac. Waxaa sidoo kale la sheegay in la diyaariyey dhammaan habraacyada sharciga ee loo baahan yahay.

Shacabka Gaalkacyo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ayaa si dhow u eegaya sida uu u dhici doono garmaqalkan, iyagoo rajeynaya go’aan cadaalad ah oo lagu qanci karo. Kiiskan ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo gudaha iyo dibadda dalka.

Ehelka marxuumadda Saabiriin ayaa hore u sheegay inay doonayaan in kiisku u socdo si daahfuran, isla markaana ay ka madax bannaan tahay wax faragelin ah. Waxay ku baaqeen in caddaalad buuxda loo helo gabadhooda oo si naxariis-darro ah loo dilay.