Maxkamada Midowga Yurub oo ku xukuntay Hungary inay bixiso 200-milyan Euro oo ah ganaaxa siyaasadda soogalootiga

13 June, 2024

Hungary waa in ay bixiso 200-milyan-euro ($216 milyan) ganaax ah haddii aysan dhaqan gelin isbedellada siyaasaddeeda…

Hungary waa in ay bixiso 200-milyan-euro ($216 milyan) ganaax ah haddii aysan dhaqan gelin isbedellada siyaasaddeeda ku aaddan la tacaalidda muhaajiriinta iyo magan-galyo doonka ee xudduudkeeda, maxkamadda sare ee Midowga Yurub ayaa sidaas sheegtay Khamiistii.
“Go’aanka waa mid aad looga xumaado oo aan la aqbali karin,” ayuu Ra’iisul Wasaare Viktor Orban ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook.

Dowladda Budapest, oo horay u diiday inay fuliso xukunka maxkamada midowga Yurub 2020, ayaa sidoo kale looga baahan doonaa inay bixiso ganaax maalinle ah oo ah hal milyan oo Yuuro ($ 1.08 milyan) ilaa ay si buuxda u dhaqan galinayso talaabooyinka.

Xukunka, Maxkamadda Yurub ayaa lagu sheegay inay Hungary ku guuldareysatay inay qaado tillaabooyin “si ay ugu hoggaansanto xukunka 2020 ee la xiriira xuquuqda codsadaha magangalyada caalamiga ah inay sii joogaan Hungary inta laga gaarayo go’aanka kama dambaysta ah ee racfaanka ay ka qaadanayaan diidmada codsigooda iyo ka saarista muwaadiniinta si sharci darro ah ku jooga waddan saddexaad”.

Xukuumada Orban ayaa ku doodday in xukunka 2020 uu ahaa mid sharci ah maadaama ay horay u xidhay waxa loogu yeero “transit-zone” iyada oo sidoo kale adkeynaysa sharciyo looga hortagayo magangalyo doonka mustaqbalka.

Horseed Media