Maxkamadda racfaanka ee gobolka Galgaduud ayaa maanta xukuntay rag lagu eedeeyay dilka hooyo iyo saddex gabdhood…

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Galgaduud ayaa maanta xukuntay rag lagu eedeeyay dilka hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, iyadoo ku riday xukun dil toogasho ah.
Go’aanka ayaa yimid ka dib markii maxkamaddu dhageysatay racfaanka ay soo gudbiyeen qareennada difaaca. Dilka hooyada iyo carruurteeda ayaa ka dhacay tuulo hoostagta deegaanka Qaayib.
Racfaanka la dhageystay maanta ayaa dib u eegis lagu sameeyay caddaymaha iyo marqaatiyada kiiska, Maxkamadda Racfaanka ayaa ku adkaysatay in caddaymaha xeer ilaalinta iyo marqaatiyaasha la keenay ay caddeeyeen dambiga.
Cabdi Cismaan Cabdullaahi iyo Galad Axmed Xuseen ayaa lagu xukumay dil toogasho. Waxaa kale oo Ayuub Maxamed Cabdi lagu riday hal sano oo xabsi ah.



