Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa war rasmi ah iyo awaamiir ka soo…

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa war rasmi ah iyo awaamiir ka soo saaray kiisaska is-haysiga dhulka la xiriira oo muddooyinkii dambe ku soo batay Magaalada Garoowe.
Lugatoor ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo 1-da October 2025 aysan maxkamadaha gobolka Nugaal iyo tan degmada Garoowe geli karin kiisaska dhulka ayna la wareegi doonaan guddi xallin khilaafaad oo caadil ah isla markaana dowladdu ilgaar ah ku hayn doonto.
“Waxaa la rabaa guddi khilaafaad oo caadil ah oo ka kooban culimo iyo dad loo xulay inay caddaalad xukumayaan ka kooban, iyaga ayaa gacanta loogelin doonaa dhammaan kiisaska dhulka Garoowe, maanta laga bilaabo maxkamadaha derejada 1aad & 2aad dhul mageli karaan, hadday dib u galaanna dulmi ayey galeen kumana cafin doonno”, Ayuu yiri Madaxweyne Lugatoor.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waxaan kaloo ku kabayaa maadaama reer Nugaaleed maanta halkaan ku dhan yahay dowladdu waxay wax ku tahay dhulka ay leedahay, intii yarayd ee buurta ayaa maalin walba lagu haystaa oo maalin walba dad ka duminaa, waa in la xadeeyaa dhul cusub oo dowladdu leedahay.”



