25 May, 2022
Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa waaran soo qabasho ah u jartay saraakiil iyo…

Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa waaran soo qabasho ah u jartay saraakiil iyo dabley loo heysto inay ka qayb qaateen weerarkii ay Dhuusamareeb kusoo qaaday Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Maxkamadda ayaa fartay taliyeyaasha ciidamada ee sida tooska ah ugu socoto warqadan inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo qabtaan xubnahaasi la doon doonayo.

Galmudug ayaa horey u shaacisay liiska xubno ka mid ah Ahlu Sunna oo uu ku jiro Sheekh Shaakir.
Sidoo kale waxay shacabka Galmudug ka codsatay inay xogtooda lasoo wadaagaan laamaha amniga.