Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa xukun kama danbays…

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa xukun kama danbays ah ku ridday Cabdikhadar Bedel Xaraare, oo horay loogu soo ridey xukun qisaas ah.
Cabdikhadar Bedel Xaraare ayaa horay maxkamadi ugu heshay dilka Marxuumad Duniyo Cabdulqaadir Xasan, ayna Maxkamadda racfaanku ugu ridey xukun dil toogasho ah ayaa maxkamadda sare ku xukuntay saddex (3) sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2,500 (Laba Kun iyo Shan Boqol oo Doollar).
Maxkamadda sare waxaa horyimid ehelada Marxuumad Duniyo Cabdulqaadir Xasan iyo qoyska Cabdikhadar Bedel Xaraare, kuwaas oo maxkamadda ka hor sheegay inay ka heshiiyeen dhibkii dhacay, isla markaana ay kala qaateen magtii marxuumadda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale maxkamadda ka codsaday in la tixgeliyo heshiiska ay gaareen, isla markaana Cabdikhadar Bedel Xaraare laga qaado xukunkii qisaasta ahaa.
Ugu dambayn, Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa, iyadoo tixraacaysa heshiiska labada dhinac iyo ka tanaasulka qisaasta, ku xukuntay Cabdikhadar Bedel Xaraare saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2,500.




