Maxkamadda Dastuuriga ee Kuuriyada Koonfureed oo diiday in xilka laga qaado ra’iisul wasaaraha dalkaasi

24 March, 2025

Kuuriyada Koonfureed ayaa gashay qalalaase siyaasadeed tan iyo markii uu fashilmay isku daygii madaxweynaha ee horaantii bishii December ee la soo dhaafay.

Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa isniintii diiday go’aanka xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, Han Duk-soo, wuxuuna isla markiiba la wareegay xilkiisa, oo uu wehliyo inuu qabto xilka madaxweyne ku meel gaadhka ah, oo beddelaya madaxweynihii hore Leon Suk-yul, oo la filayo in go’aan laga gaaro xil ka qaadistiisa maalmaha soo socda, kaddib markii uu fashilmay isku daygii uu ku doonayay inuu ku soo rogo sharciga dagaalka.

Ka dib markii madaxweynihii hore, Yoon, xilka laga qaaday oo Raysal Wasaare Han, uu si ku meel gaar ah ula wareegay xilka madaxtinimada, baarlamaanka ay mucaaradku maamulaan ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Han, toddobaadyo ka dib markii uu xilka qabtay.

Maxkamadda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri, “Maxkamadda dastuuriga ah waxay go’aansatay inay diido habraacii xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaare Han Duk Su” cod aqlabiyad ah oo 5 ah, iyadoo raacisay in go’aankeedu uu yahay kii ugu dambeeyay.

Dhankiisa, Han ayaa u sheegay suxufiyiinta, “Waan soo dhaweynayaa go’aanka xigmadda leh ee garsoorayaasha,” isagoo raaciyay, “Waxaan u maleynayaa in dhammaan muwaadiniinta ay si cad u muujinayaan diidmadooda xaaladda siyaasadeed ee taagan. Muhiimada waddankeena waa inaan horay u socono.”

Kuuriyada Koonfureed ayaa gashay qalalaase siyaasadeed tan iyo markii uu fashilmay isku daygii madaxweynaha ee horaantii bishii December ee la soo dhaafay si uu ugu soo rogo dalkaasi sharciga dagaalka, taas oo keentay in baarlamaanka ay go’doomiyaan, kuna eedeeyeen fallaagonimo, ayna soo saaraan amar lagu soo xirayo.

Horseed Media