Maxkamadda Galkacyo oo dil toogasho ah ku xukuntay Hodon Maxamuud oo ku eedaysan dilka Sabiriin Saylaan.

24 November, 2025

Maxkamadda derejada 1aad ee degmada Galkacyo gobolka Mudug ayaa maalinkii 2aad u fariisatay garmaqalka kiiska marxuumad…

Maxkamadda derejada 1aad ee degmada Galkacyo gobolka Mudug ayaa maalinkii 2aad u fariisatay garmaqalka kiiska marxuumad Saabiriin Saylaan oo dhawaan lagu diley mid kamid ah xaafadaha Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxkamadda ayaa eedaysane Hodan Maxamuud Diiriye ku xukuntay dil-toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle halka eedaysane Cabdicasiis Nuur Xaashi maxkamaddu ku xukuntay ganaax dhan 1 sano oo xarig ah iyo lacag dhan $500 oo dollar.