MUQDISHO: Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo xarig ah ku ridday Sacdiyo Macallin…

MUQDISHO: Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo xarig ah ku ridday Sacdiyo Macallin Cali, oo muddo dheer maxkamaddu ku jirtey dhegaysiga kiiskeeda oo eedaymo badan ka dhasheen.
Sacdiyo Bajaaj ayaa xabsiga ku jirtay muddo ku dhow saddex bilood, tan iyo markii loo xiray eedeymo la xiriira kicin dadweyne iyo abaabulka bannaanbaxyo ka dhan ahaa dowladda oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qareennada difaacayay Sacdiyo ayaa si degdeg ah uga horyimid xukunka ay maxkamaddu ridday, iyagoo sheegay inaanay ku qanacsanayn go’aanka lagu xukumay. Waxay ku doodeen in xukunka la adeegsaday uu ahaa mid adag oo laga maarmi karay.
Abuukaate Maxamed Sheekh, oo ka mid ah qareennada difaaca, ayaa warbaahinta u sheegay in Sacdiyo aysan aqbalin go’aanka maxkamadda, isla markaana ay sii wadi doonaan dadaallada sharci ee lagu difaacayo xuquuqdeeda.



