Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Muqdisho ayaa maanta soo saartay go’aan maxkamadeed rasmi ah, kuna taariikheysan 29/01/2026,…

Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Muqdisho ayaa maanta soo saartay go’aan maxkamadeed rasmi ah, kuna taariikheysan 29/01/2026, dacwad sumaddeedu tahay MGB/DCL/1531/2024, oo la xiriira amar soo qabasho iyo hor-keenis maxkamadeed Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shaacisay inay guud ahaanba laashay amarkii ay horay ugu bixisay soo qabashada madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.
Tallaabadaan ayaa timid xilli bisha soo socota la dhawrayo kulamo u dhexeeya hoggaanka Puntland, Jubaland, mucaaradka Golaha Samatabixinta, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.





