Maxkamadda ICC oo dacwad kusoo oogtay Madaxweynihii hore ee Filibiin, Duterte

Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada (ICC) ayaa sheegtay inay jiraan caddeymo ku filan oo la xiriira dambiyada ka dhanka ah aadanaha ee loo heysto madaxweynihii hore ee Filibiin Rodrigo Duterte, kuwaasi oo ku saabsan doorkiisii ​​uu ku lahaa dililalkii sharci darada ahaa ee ka dhacay wadankaasi xiligii uu socday ololihiisa la dagaalanka daroogada.

24 April, 2026

Guddi saddex garsoore ah oo ka tirsan Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa Khamiistii xaqiijiyay in Madaxweynihii hore ee Filibiin Rodrigo Duterte la maxkamadayn karo isagoo lagu soo oogay dacwado la xiriira dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Eedeymahan ayaa la xiriira doorka lagu eedeeyay Duterte ee abaabulka ollole ka dhan ah daroogada oo xukun la’aan lagu dilay dad badan, intii uu ahaa madaxweynaha Filibiin laga bilaabo 2016 ilaa 2022.

Dilalkan ayaa sidoo kale dhacay intuu ahaa duqa magaalada Davao ee koonfurta Filibiin iyo markii dambe isagoo madaxweyne ah.

Maxkamadda fadhigeedu yahay Hague ayaa sheegtay in caddaymaha ka dhanka ah Duterte ay ku filan yihiin in ninkaasi maxkamada la horkeeno, iyadoo weli aan la go’aamin taariikhda ay bilaabaneyso dhageysiga kiisaskan.