Maxkamadda rafcaanka gobolka Bari oo xukun ku riddey 13 ruux oo kufsi loo haystey.

27 February, 2025

Maxkamadda rafcaanka ee gobolka Bari ayaa maanta go’aan ka gaartey xukumanayaal racfaan horay uga soo qaatay…

Maxkamadda rafcaanka ee gobolka Bari ayaa maanta go’aan ka gaartey xukumanayaal racfaan horay uga soo qaatay xukun ay ku riddey maxkamadda derejada 1aad ee degmada Boosaaso ayna dhibbane ka ahayd Faadumo Siciid Cali.

Maxkamadda ayaa waxka bedel ku samaysay xukunkii ay gal-dacwadeedkaan ciqaabta ah horay uga gaartey maxkamadda derejada 1aad, kadib markii maxkaddu aragtay qoraalada kujira galka, natiijada baaritaanka la sameeyey iyo qiraalka dhibbanaha kiiskaan.

Go’aanka maxkamadda derejada 1aad ee golka Bari ayaa u dhignaa sidatan,”Maxkamaddu waxay ku xukuntay midkiiba 10 sano oo xarig ah, midkiiba $25,000 0o magdhaw ah, waxaa dhammaan lagu xukumay 13-koodaba 5 halaad oo ah bikra jabin ah. waxayna maxkamaddu faraysaa xafiiska xeer ilaalinta guud in dhibanaha dhaawaca kuyaalla looga samo tallaabo sharciga waafaqsanna laga qaado.