Maxkamadda Sare oo Laashay Natiijadii Doorashada Isku-sidkan ee Galmudug.

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii isku-sidkanayd ee maamulka Galmudug, kadib markii ay maxkamaddu…

24 August, 2026

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii isku-sidkanayd ee maamulka Galmudug, kadib markii ay maxkamaddu go’aan ka soo saartay dacwad laga gudbiyey hannaanka iyo natiijada doorashada.

Maxkamaddu waxay sheegtay in natiijadii doorashada aysan waafaqsanayn sharciga, sidaas darteedna ay go’aamisay in natiijada la laalo, isla markaana doorashada dib loogu celiyo hannaan waafaqsan sharciga.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in dhammaan natiijadii ka soo baxday doorashada ay tahay waxba kama jiraan maadaama aysan waafaqsanayn shuruucda, dastuurka iyo dhabbihii loo jeexay inay ku qabsoonto, sida uu hadalka u dhigay.

Doorashadii hore waxaa ku guuleystay urur-siyaasadeedka JSP, oo musharrax u ahaa ganacsade Liibaan Axmed, waxaana natiijadaas kadib ka dhashay muran siyaasadeed iyo dhawcyado ay gudbiyeen ururadii siyaasadda ee ka qaybgalay doorashadii ka qabsoontay Galmudug.