Mayor Moogihii Hargaysa oo golaha deegaanku xilka ka qaadeen.

Kadib khilaaf muddo soo aloosnaa golaha deegaanka degmada Hargaysa ee xarunta Somaliland ayaa saaka xilkii ka…

12 May, 2026

Kadib khilaaf muddo soo aloosnaa golaha deegaanka degmada Hargaysa ee xarunta Somaliland ayaa saaka xilkii ka xayuubiyey duqii degmada Cabdikariin Axmed Mooge iyo ku xigeenkiisii Khadar Axmed Cumar.

9 Xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka caasimadda Hargeysa ayaa xilkii ka qaaday maayir Cabdikariin Axmed Mooge iyo ku xigeenkiisii, iyagoo mas’uuliyiinta ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo arrimo kale oo la xiriira dhinaca shaqada.

Maayirka caasimadda Hargaysa ayaa intaas kadib loo doortay Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), halka maayir ku-xigeenna loo doortay Aadan Cabdi Jaamac (Mideeye) oo dhammaan katirsanaa golaha deegaanka caasimadda.

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Mooge ayaa xilka maayirka magaalada Hargaysa loo doortay 17-kii bishii Juun ee sannadkii 2021-kii, kadib markii uu codkii ugu badnaa ee gole deegaan kaga soo baxay xisbiga Wadani oo xilligaasi mucaarad ahaa.