Meydad loogu tegey goobihii Daacish lagu duqeeyey ee Miraale.

6 April, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa gaarey qaar kamid ah goobihii ay dhowaan duqaymaha culus ka fuliyeen…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa gaarey qaar kamid ah goobihii ay dhowaan duqaymaha culus ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka dalalka Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta ee taageera hawlgalka Hillaac.

Qaar kamid ah fariisimadii Daacish ee ay maanta gaareen ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa loogu tegey meydadka argagixisada Daacish, Diyaarado Drone ah, Qaraxyo iyo waxyaabo kale oo kooxdaan argagixisada ah adeegsan jirtey.

Hawlgalka Hillaac ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidanku qaybo kamid ah buuraleeyda Cal-miskaad ka helay godad lagu qariyey kaydad raashin ah oo ay ka carareen kooxda DaacSH, sida ay xaqjiijiyeen saraakiisha ciidanka difaaca Puntland.