Meydka Saabiriin oo Galabta lagu aasayo qabuuraha Gaalkacyo.

25 November, 2025

Meydka Marxuumad Saabiriin Saylaan oo 13 maalmood talaagad ku jirtay, ayaa galabta aas qaran loogu sameeynayaa…

Meydka Marxuumad Saabiriin Saylaan oo 13 maalmood talaagad ku jirtay, ayaa galabta aas qaran loogu sameeynayaa qabuuraha magaalada Gaalkacyo. Saabiriin ayaa noqotay astaan u taagan baaqyada bulshada ee ku saabsan cadaalad raadinta, kadib markii eheladeedu ay diideen in la aaso ilaa ay xaqeeda hesho, taas oo sababtay in meydkeedu muddo laba toddobaad ku dhow lagu hayo talaagadda isbitaalka.

Dhacdadan naxdinta leh waxay salka ku haysaa dil arxan-darro ah oo loo geystay Saabiriin, iyadoo maxkamadda darajada koowaad ee Gaalkacyo ay shalay ku xukuntay Hodan Maxamuud dil toogasho ah kadib markii lagu helay dembiga dil iyo jirdil joogto ah oo ay u geysatay marxuumadda. Cabdicasiis Nuur oo isna aabaha qoyska ahaa ayaa lagu riday xukun hal sano ah.

Aaska maanta dhacaya waxaa si ballaaran uga qayb galaya shacab badan, ehelada marxuumadda, iyo sidoo kale maamulka degmada iyo kan gobolka Mudug.

Bulshada Gaalkacyo iyo guud ahaan Soomaalida baraha bulshada ayaa dhacdadan si aad ah uga hadlayay.