Taliska saldhigga degmada Bursaalax ee gobolka Mudug oo kaashanaya odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada ayaa soo…

Taliska saldhigga degmada Bursaalax ee gobolka Mudug oo kaashanaya odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada ayaa soo saaray awaamiir lagu mamnoocayo adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan iyo joojinta rididda xabadda.
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska saldhigga degmadaasi ayaa bulshada ku dhaqan Bursaalax lagu wargeliyay in laga digtoonaado dhaqanka ah in rasaas loo rido si dabaaldeg ah marka la qabanayo aroosyada, iyadoo taliyaha saldhiggu sheegay in rasaas ridistu ay khalkhal gelin karto amniga, nabadgelyada iyo kala dambeynta bulshada.
Xafiiska Taliyaha ayaa caddeeyay in cid kasta oo ku kacda falka rasaas ridista xilliyada aroosyada laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga dalka iyo Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed, iyadoo looga golleeyahay in laga hortago in hubka loo adeegsado dabaaldegyada, iyadoo ay ka dhalan karaan dhibaatooyin amni iyo kuwo bulsho.





