Mid kamid ah gobolada Puntland oo xiriirka u jaray xiriirka kubadda cagta.

Maamulka Gobolka Karkaar iyo degmada Qardho ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay hakiyeen wada-shaqeyntii ay…

28 May, 2026

Maamulka Gobolka Karkaar iyo degmada Qardho ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay hakiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, kadib eedeymo culus oo loo jeediyay maamulka xiriirka iyo garsoorka tartankii caasimadaha gobollada Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Karkaar ayaa lagu sheegay in xulka Qardho uu la kulmay cadaalad-darro iyo musuqmaasuq intii uu socday tartanka, gaar ahaan kulamadii Semi-finalka iyo Finalka. Maamulka ayaa ku eedeeyay xiriirka kubadda-cagta Puntland iyo garsoorayaasha inay si ula kac ah u saameeyeen natiijooyinka ciyaaraha, taas oo dhalisay caro iyo kalsooni darro weyn.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in garsoorihii maamulayay ciyaarta finalka uu dhex-dhexaadnimadii lumiyay, isla markaana uu jiray eedeyn ku saabsan in lacago laaluush ah lagu bixiyay si loo saameeyo go’aamada garsoorka. Maamulka Karkaar ayaa sheegay inay hayaan caddeymo iyo markhaatiyo la xiriira eedeymahaasi.

Sidoo kale maamulka gobolka ayaa dhaliilay qaabka loo magacaabay guddiyada tartanka iyo garsoorayaasha, iyagoo sheegay in shaqsiyaad aan sharci iyo waayo-aragnimo ku filnayn loo dhiibay masuuliyado muhiim ah. Waxay tilmaameen in arrimahaasi dhaawaceen sumcadda iyo hufnaanta tartanka kubadda cagta Puntland.

Go’aanka lagu hakiyay wada-shaqeynta ayaa dhaqan galaya laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 27-ka May 2026, sida lagu xusay war-saxaafadeedka. Maamulka Gobolka Karkaar ayaa sheegay in aysan aqbali doonin wax tartamo ama howlo ah oo uu soo qabanqaabiyo xiriirka kubadda-cagta Puntland ilaa laga sameeyo dib-u-habeyn iyo isla xisaabtan dhab ah.