Mid kamid ah isimadii dhaqanka Puntland oo Garoowe ku geeriyoodey.

Beeldaaje Axmed Mataan Xasan oo ka mid ahaa isimada dhaqanka ee Puntland ayaa maanta ku geeriyooday…

6 August, 2026

Beeldaaje Axmed Mataan Xasan oo ka mid ahaa isimada dhaqanka ee Puntland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, kadib markii shalay lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe.

Marxuum Beeldaaje Axmed Mataan Xasan, oo muddooyinkii safar ugu maqnaa dalka Masar ayaa ka qaybgeli lahaa shir ay beeshiisu ku leedahay deegaanka Farjeerin ee degmada Shaxda ee gobolka Karkaar.

Geerida Beeldaajaha ayaa si weyn looga dareemay deegaannada Puntland, iyadoo madaxda dowladda, isimada dhaqanka, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay si isku mid ah uga tacsiyeeyeen geerida ku timid marxuumka, kuna tilmaameen inuu ahaa oday dhaqameed door muuqda ka qaatay nabadda, isku duubnida bulshada iyo xallinta khilaafaadka.

Marxuum Beeldaaje Axmed Mataan Xasan ayaa bishii Oktoobar 2023 lagu caleemo-saaray deegaanka Farjano ee degmada Buurtinle, gobolka Nugaal. Munaasabadda caleemo-saarkiisa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah isimada ugu waaweyn Soomaalida iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo markaas ku ammaanay doorkiisa hoggaaminta dhaqanka.