Mid kamid ah Maxaabiistii Daacish ee Puntland qabatay oo hadlay.

15 October, 2025

Ciidanka difaaca Puntland ayaa weli sii wada hawlgalka ay ku baadi goobayaan malayshiyaadka nabaddiidka ah ee…

Ciidanka difaaca Puntland ayaa weli sii wada hawlgalka ay ku baadi goobayaan malayshiyaadka nabaddiidka ah ee Daacish, oo ay ka sifeeyeen inta badan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Labadii cisho ee ugu dambeeyey ciidanku waxa ay gacanta ku dhigeen horjoogayaal katirsan Daacish oo mid kamid ah ka soo jeedo dalka Turkiga, waxaana ay ka hadleen dareenkooda ku aadan qaabkii ciidanka Puntland u hayeen inta aan loo wareejin xabsi kuyaalla Boosaaso.

“Siwanaagsan ayey noola dhaqmeen, waa laysiiyey sharaab iyo cunto, waxay noo sheegeen inaysan dilin Muslimiinta kale, waxa kaliya ee aan idiin sheegayo waa inaysan ahayn gaalo”, Mid kamid ah maxaabiista Daacish oo ka hadlay qaabkii ay ula macaamileen ciidanka Puntland.

Mar lagu amray inuu la hadlo amiirkiisa iyo qoyskiisa ayuu sheegay,”Weli ma aanan guursan amiirkuna ma isticmaalo mobilka laakiin waxaan la hadlayaa aabahay”.