Mid kamid maxaabiistii Daacish ee Puntland qabatay oo hadlay.

16 December, 2025

Muthar Hamid Qaayid oo u dhashay dalka Yemen kana mid ah maxaabiistii kooxda Daacish ee laga…

Muthar Hamid Qaayid oo u dhashay dalka Yemen kana mid ah maxaabiistii kooxda Daacish ee laga qabtay buuraleeyda Cal-miskaad ayaa ka hadlay ku biiristiisii Daacish, qorshayaasha kooxdaasi & rajada uu nolosha ka lee yahay.

Ugu horrayn Muthar oo wax laga waydiiyey rajadiisa iyo haddii uu ka qoomamaynayo ku biiristiisii Daacish ayaa sheegay in aysan middaasi waxba ugu fadhin maadaama uu dil ugu xukuman yahay dowladda iyo sahcabka Puntland.

“Qoomamo ama farxad waxba iima taraan, dil ayaan ku xukumanahay, Laakiin waad ogayd in ujeeddada oo dhan ay ahayd in dadka la dilo? haddii aan ogaan lahaa inaan cid waxyeelayo ma samayn lahayn, Halkan uma imaan inaan dilo Muslimiinta”Ayuu yiri Muthar Hamid Qaayi.

Ugu dambayntiina maxbuuskaan oo waraysi gaar ah siinayey Sky News ayaa sheegay inuu maqlay in Daacish dadka layso ama qarxiso haseyeeshee ay kaliya ku sameeyaan ciddii aragtidooda khilaafta,”Haa waa run laakiin ma dilaan qof walba kaliya haddii.”

DHEGAYSO WARAYSIGA