Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in Isra’iil ay qorsheyneyso inay magacowdo…

Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in Isra’iil ay qorsheyneyso inay magacowdo wakiil diblomaasiyadeed oo loo diri doono Somaliland, tallaabadaas oo lagu tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida gobolka.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Guddiga Midowga Afrika ayaa lagu muujiyay walaac xooggan, iyadoo si cad loo cambaareeyay qorshahaas. Guddigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in ururku si buuxda u ixtiraamayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, sida ku cad dastuurka Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah.
AKHRISO
Guddiga Midowga Afrika wuxuu muujinayaa walaac weyn, wuxuuna si adag u cambaareynayaa wararka sheegaya in Israa’iil ay go’aansatay inay u magacowdo wakiil diblomaasiyadeed waxa loogu yeero “Somaliland.”
Guddigu wuxuu mar kale xaqiijinayaa ixtiraamka buuxa ee Midowga Afrika u hayo madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, sida ku cad Xeer-hoosaadka Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah. Midowgu ma aqoonsana Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.
Iyadoo la xusuusanayo war-murtiyeedkii shirkii 1324-aad ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee dhacay 6 Janaayo 2026, Guddigu wuxuu adkeynayaa in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah oo la siiyo Somaliland uu yahay mid aan waxba ka jirin (baadil ah), wuxuuna ka digayaa in tallaabooyinka noocaas ah ay halis gelin karaan xasilloonida gobolka.




