Midowga Africa oo sii wadaya taageerada Milatari ee uu siiyo Somalia.

9 March, 2026

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono…

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dib u soo celinta nabadda iyo xasiloonida Somalia.

Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Sam Kavuma, oo booqday saldhigyada ciidankiisa ee magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Mubarak iyo Durasalaam oo dhawaan laga xoreeyey Alshabaab, ayaa muujiyey sida ay uga go’antahay joogtaynta taageerada Somalia.

“Dadaal, halgan iyo naf-hurin ayaan ku mideysanahay sidii aan uga takhalusi lahayn Al-Shabaab iyo sidii aan mustaqbal u abuuri lahayn walaalaheena Soomaaliyeed”, Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay sarkaalkan ugu sarreeya hawlgalka.

Ugu dambayntiina Kavuma ayaa ugu baaqay ciidamada Uganda ee hoos yimaada AUSSOM iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay muujiyaan xirfad sare, niyad wanaagsan iyo anshax wanaagsan muddada ay gudanayaan waajibaadkooda.