Midowga Africa soo dhaweeyey dib-udoorashadii Madaxweyne Geelle.

11 April, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa si diirran ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar…

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa si diirran ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 6aad dib loogu doortay xilhaynta dalkaasi.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay natiijooyinka rasmiga ah ee ay shaacisay hay’adda doorashooyinka Djibouti, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (CENI), kaas oo xaqiijiyay natiijada doorashada madaxtinimada.

Waxa uu ammaanay shacabka Djibouti ka qaybqaadashadooda nabdoon ee habka doorashada, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda, midnimada qaranka, iyo xasilloonida.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu aqoonsaday doorka muhiimka ah ee Djibouti ka qaadato horumarinta nabadda, amniga, iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika. Waxa uu adkeeyay ballanqaadka Midowga Afrika ee xoojinta himilooyinka wadajirka ah ee Ajendaha 2063 ee dalalka xubnaha ka ah.