Midowga Afrika oo Codsaday 196 Milyan oo Dollarka si loo Taageero Kala Guurka Ammaanka ee Soomaaliya

26 September, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka codsaday saaxiibada caalamka 196 milyan oo dollar oo lagu maalgelinayo sanadka 2025-ka si loogu taageero howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), isagoo ka digay haddii aan la helin taageero dhaqaale oo degdeg ah, in guulihii adkaa ee Soomaaliya laga gaaray dib u dhac ku imaan karo.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa waxaa isugu yimid wasiirro ka kala socday dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf isagoo ka hadlayay Munaasabad Heer Sare ah oo ku saabsan Maalgelinta AUSSOM oo lagu qabtay dhinaca Shirka 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayuu bogaadiyay horumarka la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay, oo ay ka mid tahay gaarista deymaha laga cafiyay iyo kamid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Wuxuu kaloo qiray naf-hurnimada ciidamada Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka digay in inkastoo guulahaas la gaaray, haddana jilicsanaanta ay sii socoto, Al-Shabaab ay sii wadaan khatarta ay ku hayaan nabadda, Soomaaliyana aysan qaadi karin culeyskan kaligeed.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in AUSSOM ay u baahan tahay 196 milyan oo USD sanadka 2025. Midowga Afrika ayaa horey u laba jibaaray tabarucaadka uu ku bixinayo Sanduuqa Nabadda 20 milyan oo USD, taasoo muujineysa go’aanka Afrika.

Hase yeeshee, wuxuu ka digay in “maalgelin hadaan deg-deg loo helin, guulihii adkaa ee la gaaray ay halis ku jiraan.”

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyay in AUSSOM aysan ahayn hawl-gal furan; waa howlgalkii ugu dambeeyay ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo buundada si buuxda u lahaanshaha Soomaaliya amnigeeda. “Marka la helo taageero ku filan, waxay xiri kartaa cutubka ku-tiirsanaanta waxayna keeni kartaa xilli cusub oo madax-bannaani, xasillooni, iyo barwaaqo,” .

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay inay ka go’an tahay Midowga Afrika, taageerida Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dhammaan saaxiibada caalamka inay la yimaadaan go’aankan. “Si wada jir ah, aan u hubinno in mustaqbalka Soomaaliya,” ayuu ku booriyay.