Midowga Afrika ayaa markii ugu horraysay si adag uga hadlay xayiraadaha dhanka socdaalka ee maamulka Madaxweyne…

Midowga Afrika ayaa markii ugu horraysay si adag uga hadlay xayiraadaha dhanka socdaalka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump ku soo rogey qaar kamid ah dalalka Afrika.
War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu ku aqoonsanayo xuquuqda madax bannaan ee ay dalalku u leeyihiin ilaalinta xuduudahooda iyo sugidda amniga qaranka.
“Guddiga ayaa weli ka walaacsan saameynta xun ee ka iman karta tallaabooyinkan oo kale ee xiriirka dadka iyo dadka, isweydaarsiga waxbarashada, ka qaybgalka ganacsiga, iyo xiriirka ballaaran ee diblomaasiyadeed ee si taxadar leh loo kobcinayey tobanaan sano,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Donald Trump ayaa xayiraad buuxda oo dhanka socdaalka ah saaray Congo Brazzaville, Equatorial Guinea, Eritrea, Somaaliya, Chad, Sudan, iyo Libya. Waxa ay sidoo kale xayiraad dhanka socdaalka ah saartay dalalka Sierra Leone, Togo iyo Burundi oo lagu eedeeyey inay halis ku yihiin amniga Maraykanka.



