Midowga Yurub ayaa ku maalgelin doona $5bn Koonfur Afrika ka dib markii uu Maraykanku ka jaray kaalmada

14 March, 2025

Donald Trump ayaa baabi’iyay malaayiin gargaar ah oo uu siin jiray dalka waxa ay keentay farqi weyn oo dhanka maaliyadda ah.

Midowga Yurub ayaa $5 bilyan (€4.7 bilyan) ku maalgelin doona Koonfur Afrika gargaar iyo mashaariic horumarineed, sida ay Khamiistii ku dhawaaqday madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen.

Inta badan maalgelinta waxay aadi doontaa taageeridda u gudubka tamarta nadiifka ah, sida hagaajinta tamarta dabaysha, qoraxda iyo soosaarka tamarta hydrogen.

Lacagaha waxaa sidoo kale la gelin doonaa soo saarista tallaalka.

“Koonfurta Afrika waxa ay doonaysaa in ay ilaaliso caafimaadka dadkeeda… Anaga reer Yurub waxa aanu rabnaa in aanu balaarino saadkayaga iyo kala faa’iideysiga ganacsiga”.

Ku dhawaaqista ayaa timid shirkii ugu horreeyay ee laba geesood ah oo dhexmara Midowga Afrika iyo Koonfur Afrika oo ah dhaqaalaha ugu horumarsan qaaradda, muddo 7 sano ah.