Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la joojiyo heshiisyada ganacsi ee ay la leeyihiin Israa’iil

Komishanka Yurub, oo ah hay’adda fulinta ee ugu weyn ee Midowga Yurub, ayaa soo bandhigtay soo jeedin in la hakiyo qaar ka mid ah qodobbada ganacsiga la xiriira ee Heshiiska Ururka ee EU iyo Israel” si looga jawaabo xasuuqa Israel ee Gaza.

17 September, 2025

Cunaqabataynta ayaan hadda taageero ku filan ka helin 27-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub si ay u meel mariyaan.

Soo jeedinta lagu dhawaaqay Arbacadii ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa cunaqabatayn lagu soo rogay wasiirrada Israa’iil ee “xagjirka ah” iyo Israa’iiliyiinta dhulboobka ka wada Falastiin iyo sidoo kale Xamaas.

Kaja Kalas, oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, ayaa ku boorisay waddamada xubnaha ka ah inay kordhiyaan tacriifadaha qaar ka mid ah badeecadaha Israa’iil oo ay cunaqabatayn ku soo rogaan 10 hoggaamiyeyaasha Xamaas ah, Israa’iiliyiinta xooga ku degan dhulka Falastiiniyiinta oo ay ku jiraan laba xubnood oo midigta fog ah oo ka tirsan Golaha Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu: Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich.

Madaxa guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa tiri: “Dhacdooyinka argagaxa leh ee Gaza ka dhacaya maalin kasta waa in ay joojiyaan, waxaa loo baahan yahay in la sameeyo xabbad joojin degdeg ah, helitaanka aan xadidneyn ee dhammaan gargaarka bini’aadanimo iyo sii deynta dhammaan la haystayaasha ay haystaan ​​Xamaas.”