Midowga Yurub: Codsiyada magangalyada oo hoos u dhacay 23% sanadkan 2025

Hoos u dhaca weyn ee ku yimid guud ahaan dadka magangalyo doonka ah waxaa sabab u ah hoos u dhaca weyn ee codsiyada ka imaanaya qaxootiga Siiriyaanka ah.

8 September, 2025

Qeybtii hore ee 2025, codsiyada magangalyada ee Midowga Yurub ayaa hoos u dhacay 23%, wakaaladda magangalyada Midowga Yurub ayaa sidaas sheegtay Isniintii.

Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan magangelyada (EUAA) ee fadhigeedu yahay Malta ayaa sheegtay in 399-kun oo codsiyo cusub la xareeyay intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Juunyo, hoos 114-kun, ama 23%, laga bilaabo isla muddadaas 2024.

Jarmalku waxa uu lumiyay booskii dalka ugu horeeya ee Qaxootiga ugu badan iska-dhiibaan, waxana uuna dalkaasi arkay hoos u dhaca ugu wayn ee codsiyada magangalyada hoos u dhac ah 43%.

Waxaa ku xigay Talyaaniga iyo Isbayn oo 25% hoos u dhacay iyo 13%, siday u kala horreeyaan.

Hoos u dhacan ayaa waxaa sabab u ahaa hoos u dhac ku yimid codsiyada dadka Suuriyaanka ah ee magangalyo doonka ah.