Brussels waxa ay doonaysaa in ay dardar galiso nidaamka magangalyada oo ay ku jirto liiska wadamada nabdoon ee ay ka soo jeedaan wadamada sida India, Bangladesh iyo Masar.

Midowga Yurub ayaa Arbacadii daabacay liiska toddobo waddan oo ay u arkaan “ammaan”, iyadoo dalalka xubnaha ka ah ay doonayaan inay dedejiyaan soo celinta muhaajiriinta.
Liiska waxaa ka mid ah Kosovo, Bangladesh, Colombia, Masar, India, Morocco iyo Tunisia.
Liistada la balaariyay waxay la macno tahay in wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ay ka baaraandegi doonaan codsiyada wadamada loo arko inay nabdoon yihiin iyagoo isticmaalaya habraac la dedejiyay.
“Wadamo badan oo xubnaha ka ah ayaa wajahaya dib u dhac weyn oo ku saabsan codsiyada magangalyada, sidaas darteed wax kasta oo aan hadda sameyn karno si aan u taageerno go’aamada degdegga ah ee magangalyada waa lagama maarmaan,” ayuu yiri Magnus Brunner, oo ah guddoomiyaha Midowga Yurub ee socdaalka.
In kasta oo Midowga Yurub uu soo bandhigay liis la mid ah 2015, haddana qorshahaas waa laga tanaasulay doodo kulul oo ku saabsan in Turkiga lagu daro iyo in kale.
Brussels waxaa saaran cadaadis isa soo taraya si ay wax uga qabato soogalootiga aan caadiga ahayn ayna sare u qaaddo masaafurinta, iyadoo xisbiyada midigta fog ay wadaan mowjado ka dhan ah soogalootiga Yurub.
Xisbiyada midigta ee wadamada Sweden, Italy, Danmark iyo Netherlands bishii Oktoobar waxay dalbadeen sharci si degdeg ah loo raad raaco si kor loogu qaado dib u celinta – waxayna ku booriyeen Komishanka inay si degdeg ah wax uga qabtaan