Midowga Yurub oo Dekadda Muqdisho u aqoonsaday mida ugu Wanaagsan Bariga Afrika.

1 October, 2025

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Maareeyaha Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali…

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Maareeyaha Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa maanta Dekadda Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka socday Midowga Yurub wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya Mrs Francesca Di Mauro iyo Mr Sander Van Kooten oo ah Sarkaal sare oo ka socda Bangiga Maalgashiga Yurub ee u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Madaxda Midowga Yurub ayaa ugu hambalyeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya guusha ay ka gaartay horumarinta Dekadda Muqdisho waxayna si gaar ah u xuseen in Dekadda Muqdisho ay kaalinta koowaad ka gashay dekedaha ugu wanaagsan Bariga Afrika halka ay sidoo kale kaalinta afaraad ka gashay dekedaha ugu horumarsan qaaradda Afrika.

Kulankan ayaa muhiimad gaar ah u lahaa xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub gaar ahaan dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada dekedaha masuuliyiinta Midowga Yurub ayaa tilmaamay in dekeddu ay leedahay awood weyn oo wax ku ool u ah kobcinta dhaqaalaha dalka iyo ganacsiga gobolka.

Wasiirka Maaliyadda iyo Maareeyaha Dekadda Muqdisho ayaa wafdiga kaxeeyay kormeer guud oo ay ku tageen qeybaha kala duwan ee dekedda waxay halkaas uga warbixiyeen howlaha baaxadda leh ee maalin walba ka socda iyo dadaallada lagu ballaarinayo adeegyada si loo daboolo baahida sii kordheysa ee ganacsiga gudaha iyo dibadda.

Ugu dambeyn madaxda Midowga Yurub ayaa bogaadiyay sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo hufnaanta maamulka dekedaha iyagoo ballan qaaday in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siinayo horumarinta dekedaha iyo dhaqaalaha dalka.