Midowga Yurub ayaa Jimcihii soo jeediyay mamnuucid ballaaran oo lagu soo rogo dhammaan adeegyada dhoofinta saliidda ceeriin ee Ruushka ee mara badda, taas oo aad uga culus cunaqabatayntii hore ee Midowga Yurub, iyadoo la doonayo in la wiiqo isha ugu weyn ee dakhliga Moscow oo dagaal kula jirto Ukraine.

Ruushku wuxuu dhoofiyaa in ka badan saddex-meelood-meel (⅓) saliiddiisa isagoo adeegsanaya taangiyo shidaal oo reer galbeed ah oo inta badan ka yimaada Giriigga, Qubrus (Cyprus), iyo Malta, iyadoo ay gacan ka geysanayaan adeegyada maraakiibta ee reer galbeedka.
Mamnuuciddaasi waxay soo afjari doontaa ganacsigaas, kaas oo inta badan sahay u ahaa Hindiya iyo Shiinaha, isla markaana ka dhigi doonta mid aan waxba tarayn xaddidaadda qiimaha ee iibsiga saliidda ceeriin ee Ruushka oo ay waddamada Reer Galbeedka ee Kooxda Toddobada (G7) isku dayeen inay hirgeliyaan.
Madaxweynaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ma aysan faahfaahin sida mamnuucidda loo hirgelin doono ama in mustaqbalka lagu dari doono baddeecooyinka kale sida gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG).
Waxay sheegtay in mamnuucidda lagu fulin doono in taangiyada LNG ee Ruushka iyo maraakiibta jebisa barafka (icebreakers) ay la kulmi doonaan mamnuucid ballaaran.
Kooxda G7 ayaa dejisay xaddidaad qiime oo saaran saliidda ceeriin ee Ruushka sanadkii 2022, iyagoo ujeeddadoodu ahayd in la yareeyo dakhliga Moscow, isla markaana loo oggolaado dalalka saddexaad inay saliidda soo dhoofsadaan, haddii aysan ku samayn wax ka badan qiimaha la xaddiday.
Dalalka saddexaad, waxaa loola jeedaa waddamo aan xubno ka ahayn midow ama koox gaar ah, waxaana inta badan marka laga hadlayo lagu qeexaa waddamada ka baxsan Midowga Yurub (EU), Aagga Dhaqaalaha Yurub (EEA), iyo Switzerland.
Horseed Media



