Midowga Yurub oo sheegay in la wareegidda Mareykanka ee Greenland ay noqon doonto dhammaadka isbaheysiga NATO

13 January, 2026

Midowga Yurub wuxuu gacan ka geysan karaa sugidda amniga Greenland, haddii Denmark ay codsato, sida uu Isniintii sheegay Guddoomiyaha Difaaca iyo Hawada Sare ee Yurub, isagoo ka digay in la wareegidda militariga Mareykanka ee Greenland ay noqon doonto dhammaadka isbaheysiga NATO.

Trump ayaa horey u sheegay in Mareykanka uu u baahan yahay inuu la wareego Greenland, oo ah qayb kamid ah Boqortooyada Denmark, si looga hortago in Ruushka ama Shiinaha ay qabsadaan dhulka Arctic ku yaal oo istaraatiijiga ah, macdantana hodanka ku ah. Wuxuu sheegay in joogitaanka militariga Mareykanka ee halkaas uusan ku filnayn.

Denmark iyo Mareykanka, oo labaduba xubno ka ah NATO, ayaa la qorsheeyay inay toddobaadkan kulmaan si ay uga wada hadlaan Greenland.

Maamulka Greenland iyo Denmark ayaa sheegay in Greenland aan la iibin karin, laakiin Trump meesha kama saarin inuu xoog ku qaato.

“Waxaan ku raacsanahay ra’iisul wasaaraha Denmark inay noqon doonto dhammaadka NATO, sidoo kale waxay noqon doontaa tilaabo aad u xun,” ayuu Andrius Kubilius Guddoomiyaha Difaaca EU-da, ka sheegay shir amni oo shalay ka dhacay Sweden.

Kubilius wuxuu sheegay inuusan u malaynayn in duullaan milatari oo Mareykan ah uu imanayo laakiin qodobka 42.7 ee Heshiiska Midowga Yurub wuxuu ku qasbayaa dowladaha xubnaha ka ah inay caawiyaan dalka Denmark haddii lagu soo qaado weerar militari.