3 May, 2026
Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyey gogosha wada-hadal ee Madaxweyne Xasan Shiikh u fidiyey Mucaaridka, Puntland &…
Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyey gogosha wada-hadal ee Madaxweyne Xasan Shiikh u fidiyey Mucaaridka, Puntland & Jubbaland, si xal looga gaaro khilaafyada siyaasiga ah iyo hanaanka doorashooyinka guud ee dalka.
Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia ayaa sheegay in ay taageerayaan dedaallada Soomaalida mabadda Somalia ayna rajeynayaan is-afgarad laga gaadho doorashada dalka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa rumaysan in wadahadaladaasi ay yihiin waqti dhumis madaxweyne Xasan Sheekhna ku adkaysanayo qorshihiisa hirgelinta doorashooyin aan heshiis lagu ahayn.




