Midowga Yurub oo walaac ka muujiyey xaaladda ka soo cusboonaatay KGS.

24 March, 2026

Xafiiska Midowga Yurub ee Somalia ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaaladda siyaasadeed ee ka aloosan deegaamada…

Xafiiska Midowga Yurub ee Somalia ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaaladda siyaasadeed ee ka aloosan deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, kadib khilaafka Lafta-gareen iyo DFS.

Qoraal ay soo saartay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa lagu sheegay in xaaladda si dhow loola socdo, isla markaana ay muhiim tahay in la helo wadahadal degdeg ah oo xal u keena khilaafka jira.

War-saxaafadeedka xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu adkeeyey in xaaladdu u baahan tahay is-afgarad iyo xal nabadeed, halkii laga sii hurin lahaa khilaafka.

“Midowga Yurub wuxuu si walaac leh ula socdaa xaaladda sii xumaaneysa ee Koonfur Galbeed. Wadahadal wax ku ool ah ayaa aad muhiim u ah xilligan; dhammaan dadaallada dhexdhexaadinta waa in la soo dhoweeyaa lana siiyo fursad”, Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Di Mauro.