Midowga Yurub oo xusay in Deni & Xasan Sheekh wadahadal diyaar u yihiin.

18 May, 2026

Midowga Yurub ayaa muujiyay taageerada uu u hayo sii socoshada wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo danjiraha…

Midowga Yurub ayaa muujiyay taageerada uu u hayo sii socoshada wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo danjiraha midowga Yurub ee Somalia Francesca Di Mauro ay sheegtay inay la kulantay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayna weli diyaar u yihiin wada-hadal iyo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Francesca Di Mauro ayaa xustay in shacabka Soomaaliyeed ay iyagu go’aansan doonaan mustaqbalka iyo heshiiska siyaasadeed ee dalkooda, halka Midowga Yurub uu rajaynayo hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan wadajir, is-qancin iyo ka qeybgal loo siman yahay.

“Waxaan Xasan Sheekh Maxamuud kala hadlay aragtidiisa ku saabsan wadahadalladii u dambeeyay. Kadib markii aan shalay la hadlay Siciid Cabdullaahi Deni, waxaan fahamsanahay in labada dhinacba ay weli u furan yihiin wada-hadal”, Ayaa lagu yiri qoraalka Francesca Di Mauro.

Francesca Di Mauro ayaa intaasi ku daray,”Soomaalidu iyagaa go’aansan doona heshiiskooda siyaasadeed. Midowga Yurub, oo ah saaxiib muhiim ah, wuxuu rajaynayaa hannaan loo dhan yahay oo dimuqraadi ah.”