Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaya Kalas ayaa soo jeedisay in dib loo bilaabo wadahadalka Xamaas iyo Israa’iil, si xabbad-joojin looga gaaro Qasa.

Waxay sheegtay maanta oo Isniin ah, iyada oo uu wehliyo wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, in dib-u-soo-celinta wadahadalka ay tahay habka kaliya ee lagu joojin karo dhibaatada Qasa.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in Xamaas aysan mustaqbalka wax door ah ku yeelan karin Qasa, taas bedelkeedna Israa’iil ay xaq u leedahay inay iska difaacdo Xamaas, kooxda Xuutiyiinta Yemen, ama kooxda Xisbullah ee Lubnaan.
Dhanka Iran, waxay ku nuuxnuuxsatay in Midowga Yurub uusan u ogolaan doonin Tehraan inay haysato hubka Nukliyeerka.
Maamulka Israa’iil ayaa laba jibbaarey duqaymaha iyo weerara lala beegsanayo shacabka Falastiin, xilli Maraykanku doonayo inuu la wareego dhulka Falastiin iyagana qaxooti ahaan ugu raro dalal shisheeye.
Horseed Media



