Miinabaarayaal heer caalami ah oo la kulmay Madaxda Puntland.

31 March, 2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi sare…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi sare oo ka socda Hay’adda The HALO Trust ee ka shaqaysa arrimaha Miino baarista oo uu hoggaaminayo madaxda howlgelinta hay’adda Adam Jasinski.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Puntland iyo hay’adda, gaar ahaan dardargelinta howlaha la xiriira Miino Baarista iyo waxyaabaha qarxa ee weli ku jira dhulka, kuwaas oo khatar ku ah badqabka bulshada iyo horumarka deegaanka.

Kulanka waxaa ka qayb galay wasiirka Amniga Dowladda Puntland, wasiir ku-xigeenka Amniga, Agaasimaha guud ee Amniga iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.