Milatariga Israel ayaa dilay ugu yaraan 350 falastiiniyiin ah, oo u badnaa haween iyo carruur, marinka…

Milatariga Israel ayaa dilay ugu yaraan 350 falastiiniyiin ah, oo u badnaa haween iyo carruur, marinka Qaza ee dhulka Falastiin iyadoo Israel ka baxday heshiiskii xabad joojinta ee soo bilowday Janaayo.
Ku dhawaad โโ350 qof oo kale ayaa sidoo kale lagu dhaawacay intii lagu jiray dhiig-u-daadintii baahsanayd, sida laga soo xigtey wakaaladda wararka u faafisa Falastiiniyiinta ee MASA.
Sida ay wakaaladdu sheegtay, in duulaankaani uusan hareermarin deegaamadii lagu heshiiyey in ciidamadu aysan wax dhaqdhaqaaq ah ka samayn ee dhanka xeebaha, kuwaas oo lagu beegsaday dhismayaasha la deggan yahay, dugsiyada, iyo xarumaha qaxootiga.
Ilo wareedyo Xamaas ah ayaa sheegaya in Israaโiil ay ku dishay duqeynta Jeneraal madax u ahaa wasaaradda arrimaha gudaha ee Qaza.
Xukuumadda Maraykanka iyo Israa’iil ayaa qorshaynaya inay xoog ku qabsadaan dhul weynaha Falastiin, waxaana Donald Trump uu doonayaa inuu malaayiin dollar ku bixiyo sidii loogu rari lahaa dalal kale oo ay Falastiiniyiintu qaxooti ku noqdaan.