Milatariga Israa’iil oo weeraray gaadiidka gurmadka deg degga ah.

29 March, 2025

Milatariga Israa’iil ayaa qirtay inay duqaymo culus la beegsadeen tiro kamid ah gaadiidka gurmadka deg degga…

Milatariga Israa’iil ayaa qirtay inay duqaymo culus la beegsadeen tiro kamid ah gaadiidka gurmadka deg degga ah ee reer Falastiin, kadib markii ay ka shakiyeen ciidankeedu sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay.

“Ciidamada Israa’iil ayaa rasaas ku furay gaadiid ay leeyihiin Xamaas, waxayna meesha ka soo saareen dhowr dagaalyahan oo Xamaas ah”, sidaas waxaa lagu yiri bayaan uu militarigu siiyay wakaaladda wararka ee AFP.

Dhanka kalena, maamulka Israa’iil waxa uu caddeeyey in laga shakiyey gaadiid kale oo ugu dambayn noqday kuwa gurmadka deg degga ah,”Daqiiqado yar ka dib, gawaari dheeraad ah oo laga shakiyey ayaa soo galay ciidamada, Ciidamaduna waxay ku jawaabeen in ay rasaas ku fureen baabuurtii laga shakiyey.

Milatariga Israa’iil ayaa in ka badan 900 Falastiiniyiin ah ku diley Gaza tan iyo markii uu burburay heshiiskii xabad joojinta ee daanta galbeed, waxaana hadda sii xoogaystay dagaalka ka dhanka ah Xamaas.