Taliska dhexe ee militariga Mareykanka CENTCOM ayaa ugu danbeyn xaqiijiyey inay burburtay mid kamid ah diyaaradahooda muhiimka ah ee shidaalka siiya diyaaradaha dagaalka ee duqeynta ka wadda Iran.

Ciidamada Iran ayaa sheegtay inay soo rideen diyaaradan oo kusoo dhacday dalka Ciraaq, arrintan oo ku khasabtay militariga Mareykanka inay qirtaan burburka diyaaradan balse waxay sheegeen inaysan soo ridin Iran.
Ugu yaraan 6 kamid ah shaqaalaha diyaarada saarnaa ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen.
Diyaaradan KC-135 ayaa burburkeeda kusoo beegmaysa xili Iran ay sare u qaaday duqeynta ay la beegsaneyso saldhigyada Mareykanka , iyadoo ciidamada Iran ay soo rideen sidoo kale tiro ah diyaaradaha drone-ka ee MQ-9 ee Mareykanka u adeegsado sirdoonka iyo duqeynta.
Warbixin ay baahiyeen jaraa’idka Mareykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegaya in Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ay ka gaabsatay shaacinta khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada Mareykanka oo la rumeysan yahay inay ka badan tahay intii horey loo shaaciyey.



