Fallaagada M23 ee ay dowladda Ruwanda taageerto ee duullaanka ka wada bariga dalka Congo ayaa Sabtidii sheegay inay ciidamadooda kala baxayaan magaalada Walikale, si ay u taageeraan dadaallada nabadeed,

Dawladdu waxay sheegtay inay rajaynayso in tallaabadan loo rogo ficil la taaban karo, kaddib markii M23 ay toddobaadkan ka baxday wada-hadalladii qorshaysnaa ee ay la lahayd mas’uuliyiinta Kongo daqiiqadihii ugu dambeeyay sababo la xiriira cunaqabateynta Midowga Yurub uu saaray qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasheeda iyo mas’uuliyiinta Rwanda.
Waxay noqon lahayd markii ugu horreysay oo ay si toos ah ula macaamilaan dowladda Congo ka dib markii madaxweyne Felix Tshisekedi uu ka noqday diidmadii uu muddada dheer u diiday inuu la hadlo fallaagada.
Isbahaysiga Congo River Alliance oo ay ku jiraan M23, ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in ay go’aansadeen in ay dib u soo celiyaan ciidamadooda ku sugan Walikale iyo deegaanada ku xeeran ee M23 ay la wareegeen todobaadkan.
Go’aankan ayaa wuxuu waafaqsan yahay xabbad-joojin lagu dhawaaqay bishii Febraayo, laguna taageerayo dadaallada nabadeed.
Horseed Media