Mucaaradka Muqdisho oo ka arrinsanaya abaabulka banaanbaxyada dhulka.

9 May, 2026

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsanaya hanaanka ay u maarayn doonaan qabashada…

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsanaya hanaanka ay u maarayn doonaan qabashada dibad-baxyada ka dhanka ah burburinta guryaha iyo iibka dhulalka ee Magaalada Muqdisho.

Kulamada mucaaradka ee Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli ay wadaan kulamadii ugu dambeeyay iyo abaabullada la xiriira bannaanbaxa la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa warbaahinta u sheegay inay la dareenyihiin shacabka laga barakiciyey guryohooda aysanna joojin doonin dedaalada ka dhanka ah boobka hantida danta guud.

Dhanka kalena, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay dhaqdhaqaaqyada Muqdisho, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka waaweyn iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada, loogana hortegayo qalaase ammaan oo caasimadda ka dhaca.