Mucaaradka oo farriin la wadaagey beesha caalamka & QM kahor safarka MW Xasan Sheekh ee New York.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada New York ee carriga Maraykanka oo uu…

19 September, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada New York ee carriga Maraykanka oo uu kaga qaybgalayo toddobaadka heerka sare ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana shirka golaha loo dhan yahay ee QM oo bilowday 18 Septer ay hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ka jeedinayaan khudbado ku saabsan arrimaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbaddiisa diiradda ku saari doono arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka tooska ah, amniga iyo arrimaha bulshada, iyadoo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya uu weli yahay mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla dhinacyada siyaasadda dalka.

Dhanka kalena, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku bohoobeen Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyey qoraal ay kaga dalbanayaan in ay door muuqda ka qaadato xalinta khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ayna noqoto dhexdhexaadiye iyo dammaanad-qaade caalami ah oo la socda fulinta heshiis kasta oo laga gaaro wada-hadallada.

Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa u gudbiyey Qaramada Midoobey iyo qaar kamid ah dalalka saamaynta ku leh arrimaha siyaasadda Soomaaliya inay qoraallo ku qoran luuqadda Ingiriiska oo ay ku dalbanayeen inuusan caalamku indhaha ka laaban khilaafyada siyaasadeed ee Soomaalida iyagoo soo jeediyey qodobo ay kamid yihiin;

  1. Helitaanka taageero doorasho loo dhan yahay oo dalku kaga baxayo muddo-dhaafka hay’adaha dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka.
  2.  In la yagleelo guddi dhexdhexaadin oo ay garwadeen ka yihiin wakiilo ka socda Golaha Ammaanka ee QM iyo dalalka ciidanka ka joogaan Soomaaliya.
  3. In la qaado tallaabooyin baaritaano madax-bannaan oo caalami ah loogu samaynayo duqayntii 3-dii Sebtembar ee Dollow, ka dhacday halkaas.
  4. Kordhinta hawlgalka siyaasadda ee QM UNTMIS si loo dammaanad-qaado guulaha maamul-dhisidda iyo la-dagaallanka argagixisada.
  5. Iyo in Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey fadhi gaar ah ka yeesho xaaladda Soomaaliya ka hor inta aysan dhammaanin waqtiga UNTMIS October 1026 iyo AUSSOM ee dhamaadka 2026.