Mucaaradka oo la kulmaya MW Xasan Sheekh & shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo baaqday.

21 June, 2025

Xubnaha madasha samatabixinta mucaaradka Somalia oo habeenimadii xalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa si guud…

Xubnaha madasha samatabixinta mucaaradka Somalia oo habeenimadii xalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa si guud isugu raacay aqbalaadda casumaad uu u sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha ayaa kulan kale ugu ballamay qodobada shirka looga hadli doono, cidda ku matali doonta iyo halka ay tahay inuu ka qabsoomo, iyadoo la sugayo qaar kamid ah madasha oo dalka ka maqan.

Dhanka kalena, waxaa dib loo dhigay shirkii Madasha wadatashiga Qaran, iyadoo Villa Somalia u sababaysay qabsoomidda xuska todobaadka xorriyadda Soomaaliya.

” Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garawga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha allaah.”