Mucaaradka oo markale shaaciyey banaanbax ka dhan ah Dowladda.

7 October, 2025

Xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa mar kale shaaciyey in 9-ka bishan October uu qabsoomi…

Xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa mar kale shaaciyey in 9-ka bishan October uu qabsoomi doono bannaanbax weyn oo ay ka qaybgalayaan masuuliyiinta madasha iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho. Go’aankan ayaa yimid kadib kulan xasaasi ah oo ay Galabta ku yeesheen guriga Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shirkan oo uu guddoomiyay Sheekh Shariif ayaa diiradda lagu saaray qabsoomidda bannaanbaxa oo horay loo baajiyay, kadib markii dagaal uu ka dhacay saldhigga Warta Nabadda. Xubnaha madasha ayaa sheegay in bannaanbaxu yahay mid dastuuri ah isla markaana lagu diidan yahay siyaasadaha dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mucaaradku waxay sheegeen in ujeeddada ugu weyn ee mudaharaadkan ay tahay ka hortagga burburinta dhulka danta guud iyo barakicinta shacabka, arrin ay ku eedeeyeen dowladda inay ku tallaabsatay si sharci-darro ah. Sidoo kale, waxay tilmaameen in shacabka Muqdisho ay mudan yihiin cod iyo meel ay ku muujiyaan cabashadooda.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan fashilka wada-hadalladii Kismaayo ee u dhexeeyay dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland. Madasha ayaa ku eedeeysay dowladda inay wado siyaasado sii kala fogeynaya dalka iyo inaysan diyaar u ahayn wadahadal dhab ah oo xal u noqda khilaafka jira.